
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, Avv. Nuuradiin Maxamed Khaliif, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud wasaaradda haweenka iyo Agaasinka Waaxda Maamulka iyo maaliyada ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd dardargelinta howlaha la xiriira xuquuqda aadanaha, kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, iyo joogtaynta kulamada noocan oo kale ah si loo xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay kiisaska la xiriira tacaddiyada kala duwan, iyo sidii si hufan loogu gaarsiin lahaa hay’adaha ay khusayso si loo helo cadaalad degdeg ah.
Ugu dambeyn, Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada inay laba jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada cadaaladda, isla markaana la hubiyo in bulshada ay helaan xuquuqdooda si waafaqsan sharciga.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







