
Xafiiska Gobalka ee Wazaarada qorsheynta maalgashiga iyo Iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Haayada UN,IOM oo is kaa shanaayo ayaa soo agaasimay shir looga hadlaayay mashruuca DARISWACAN oo ah mashruuc ka shaqeeya hormarinta Deegaanada ku teedsan degmooyinka Xuduuda dhaca ee Somalia, Kenya iyo Ethiopia, shirkan oo ka dhacay Degmada Dolow ee Gobalka Gedo .
Waxana looga dooday habsami u socodka mashruuca iyo kaalinta ay leeyihiin daneeyaasha mashruuca, sida Wazaaradaha ay gaarka u qusayso, maamulada degmooyinka, Bulshada iyo Haayadaha fulinaaya,
Kulanka ayaa si gaar ah diirada lagu saaray dhismaha wadada isku xirta Dolow iyo Baladxawo oo lagu wado in si rasmi ah uu u dhagax dhigo madaxweyna ku xigeenka Dowlada Jubaland oo haatan ku sugan Degmada Dolow.
Mashruucan ayaa waxaa taaba galiyay midowga Europe iyo Haayada IOM oo fulinaysa.
Kulanka waxaa daah furay Maamulka Degmada Dolow, waxaana kasoo qayb galay wafdi uu hogaaminaayay madaxa guud ee mashruucan ee Hayada IOM, DRC, RACIDA iyo FAO, sido kale kulanka waxaa qayb ka ahaa Wazaaradaha xubinta ka ah mashruuca, sida Wazaarada Howlaha Guud iyo Guryeenyta, Wazaarada Biyaha, Wazaarada Beeraha iyo Waraabka, Wazaarada Cimilada, Haayada JUCRI iyo Gudiya ka kala socday qeeybaha Bulsahada.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







