Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka gargaarka Jubbaland oo gaaray Degmada Dhoobley

0
130

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka  Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq oo hoggaaminaya wafdi heer wasiirro ah ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Mudane Axmed Xuseen Baraki (Zubeer), iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka, Mudane Maxamed Cusman.

Mas’uuliyiintan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Dhoobley, halkaas oo ay ku qaabileen maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa muujiyey muhiimadda ay booqashadan u leedahay xoojinta adeegyada gargaarka iyo dardargelinta horumarinta bulshada.

ujeedka ugu weyn ee safarka wafdigan ayaa ah gaarsiinta deeq raashin ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Dhoobley iyo tuulooyinka ku teedsan, si loo yareeyo saameynta xaaladaha nololeed ee adag ee ka jira deegaanka.

Wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa inay kulamo la yeeshaan maamulka degmada iyo bulshada rayidka ah, si ay u qiimeeyaan baahiyaha jira una qorsheeyaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah.