Iyadoo laga duulayo tayaynta Caafimaadka ayaa Wasiirka Caafimaadka dowlada Jubbaland iyo Mas’uuliyiin Kale oo Kormeeray Isbitaalka Suuqa Cawska ee Kismaayo.

0
186
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas, oo ay wehlinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Jubaland, iyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Jubaland, ayaa maanta kormeer ku tagay Isbitaalka Suuqa Cawska ee magaalada Kismaayo.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa in madaxdu si dhow ugu kuurgalaan dib-u-dayactirka iyo horumarinta lagu sameynayo isbitaalka, si loo hubiyo in adeegyada caafimaad ee uu bixiyo ay noqdaan kuwo tayo leh oo daboolaya baahiyaha bulshada ku nool magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhow.
Intii uu socday kormeerka, madaxda ayaa indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee isbitaalka iyo sida ay u socdaan howlaha dib-u-dhiska iyo qalabeynta. Sidoo kale waxay warbixin ka dhageysteen maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala isbitaalka, kuwaas oo ka warbixiyay heerka uu marayo dayactirka iyo adeegyada ay bulshada u fidiyaan.
Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyay dadaalka lagu horumarinayo Isbitaalka Suuqa Cawska, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo helo adeegyo caafimaad oo hufan oo la isku halleyn karo. Waxay sidoo kale ku boorriyeen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka inay sii xoojiyaan shaqada ay bulshada u hayaan.