
Gudiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland ayaa maanta shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Kismaayo, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaarta iyo roob la’aanta ka jirta deegaanada Jubbaland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo qaban lahaa Roob-doon (Salaatul Istisqa) si Alle SWT looga baryo in uu ka dulqaado abaarta iyo dhibaatooyinka ka dhashay roob la’aanta daba dheeraatay.
Gudiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalinta Sabtida la qaban doono isku soo bax ballaaran oo roob-doon ah, iyadoo la xirayo dhammaan qeybaha kala duwan ee ganacsiga si bulshada oo dhan uga qeyb qaadato ducada iyo baryada Alle.
Mas’uuliyiinta gudiga ayaa ugu baaqay culimada, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaan shacabka inay si mideysan uga soo qeyb galaan munaasabadda roob-doonka, si Alle looga baryo raxmaddiisa iyo in uu dalka ku mannaysto roob barako leh.
Ugu dambeyn, Gudiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland ayaa ku booriyay bulshada inay muujiyaan midnimo, sabir iyo isku duubni xilligan adag.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







