Madaxweyne dowladda jubbaland oo Bogaadiyey Howlgal Lagu Burburiyay Warshado Qaraxyo iyo Xeryo Khawaarij ku Lahaayeen Jubada Hoose.

0
233

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyey howlgalkii barakaysnaa ee uu hoggaaminayay Agaasimaha Hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Jubbaland, Maxamed Axmed Sabriye (Basaam), kaas oo lagu qabtay warshadihii lagu farsamaynayay qaraxyada iyo hubka, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Dowladda Jubbaland ayaa lagu yiri:Waxaan si weyn u bogaadinayaa Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Dowladda Jubaland (JISA), kuwaas oo howlgal gaar ah ka fuliyay xeryo ay Khawaarijtu ku lahaayeen Howdka Fog ee Badda Madow, gaar ahaan deegaannka Lagta Hola-Wajeer ee Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku gaareen guulo waa weyn.

Howlgalladan, oo socday afartii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa lagu burburiyay keydkii qaraxyada, xarumihii saadka, isgaarsiinta, iyo keydadkii hubka ee ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaannkaas, kuwaas oo ay u adeegsan jireen qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay uga duuli jireen deegaannada kala duwan ee Jubaland iyo gudaha Dalka Kenya.

Intii uu howlgalku socday, waxaa lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo Ciidamada JISA ay sidoo kale gacanta ku dhigeen qalab fara badan oo ay ku jireen miinooyin noocyadooda kala duwan, maadooyinka laga sameeyo qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub, saanad ciidan, iyo agab kale oo muhiim u ahaa howlgallada Khawaarijta. Sidoo kale, Ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen in ka badan boqol miino oo noocyo kala duwan ah, kuwaas oo khatar weyn ku hayay amniga shacabka Soomaaliyeed.

Xeryahan la burburiyay ayay Khawaarijtu kasoo abaabuli jireen weerarro ay ku beegsanayeen shacabka Soomaaliyeed, oo uu ka mid ahaa weerarkii ay dhawaan ku qaadeen deegaannka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyay.

Dowladda Jubaland waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee ku garab taagan dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana ka qeyb qaadanaya xoojinta amniga, xasilloonida, iyo nabadda Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.