Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo Lagu Diyaarinayo Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee 5-ta Sano ee Soo Socota

0
167
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray diyaarinta qorshaha istiraatiijiyadeed ee shanta sano ee soo socota ee caafimaadka.
Shirka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, iyo Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Cabdirisaaq Jaamuus, hay,adaha bahwadaata la ah wasaarada.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo qorsheynta, kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaadka, isla markaana lagu dejinayo hannaan cad oo hagaya horumarinta caafimaadka bulshada Jubaland muddada shanta sano ee soo socota.