Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM

0
241
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Manuel Marques Pereira, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa lagaga hadlay Arrimaha Abaaraha ee ka ka jira deegaanada Jubaland iyo Tageerada Caalamiga ah ee sidii loo yarayn lahaa saamaynta ka dhalatay Abaaraha.
Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay dhamaystirka mashruuca Biyo galinta Magaalada Kismaayo ee Biyaha Wabiga Juba lagaga soo jiidayo Deegaanka Yoontooy oo hada gabagabo ku dhow.