Dhageyso: Barnaamij gaar ah oo looga hadlayo wacyigelinta siyaasadda adeeg-daadajinta dowladaha hoose Session#1

0
385

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib uheshiisiinta dowladda Jubbaland ayaa maanta bilowday barnaamij wacyigelin ah oo ku saabsan siyaasadda adeeg-daadajinta, kaas oo ujeedkiisu yahay in bulshada lagu gaarsiiyo faham guud oo ku saabsan sida adeegyada dowladda loogu dhoweynayo shacabka. Barnaamijkan waxa uu diiradda saaraya doorka siyaasadda daadajinta ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladnimo, iyo kor u qaadista helitaanka adeegyada aasaasiga ah.

Sidoo kale, barnaamijku waxa uu gacan ka geysanayaa dhisidda kalsoonida bulshada iyo hirgelinta dowladnimo loo wada dhan yahay, iyadoo la iftiiminayo faa’iidooyinka iyo caqabadaha ku xeeran siyaasaddan.

Session#1