Musharaxiinta Shirka Aayo-katashiga Soomaaliya oo lagu maamuusay Kulan Kubadda Cagta ah

0
213
Musharaxiinta kala ah Reysalwasaare Hassan Ali Khaire, Siyaasi Cabdirahman Cabdishakur Warsame iyo Kofi Adam oo kamid ah wafdiga Kismaayo uga qeybgalaya Shirka Aayo-katashiga Soomaaliya, ee ay martigelisay dowladda Jubbaland ayaa xalay ka qeyb galay ciyaar kubada cagta ah oo Salaxa Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor ayaa siyaasiyiintan ku soo dhaweeyey taliska.
Intii ay socotay ciyaarta u dhaxeysay kooxaha ay siyaasiyiintan kala matalayeen, ayaa la kala dhaliyey dhowr gool.
Ciyaarta waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanada Qaar ee Dowladda Jubbaland kuwaasi oo si ween oga qeybqaadanayay ciyaarta soo dhaweenta ah.
Magaalada Kismaayo ayaa Marti galineysa shirka Golaha Samatabixinta Soomaaliya iyadoona Martida shirka ka qeybgaleeysa ay si amni ah magaalada ugu Naaloonayaan waxaana aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada Kismaayo oo Jewi Xasiloon ah, waxaana magaalada buuxdhaafiyeen martidii ugu Badneed.