Wasiirka Qorshaynta Jubbaland Oo La Kulmay Wakiilka WFP

0
19
Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland, oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale, ayaa  Garoonka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Ku-xigeenka Madaxa Howlgalka Hay’adda WFP, Marco Selva, iyo wafdi uu hoggaaminayey.
Labada dhinac ayaa yeeshay kulan wadatashi ballaaran oo ku saabsan qorshaha shanta sano ee soo aadan ee Hay’adda WFP ka fulin doonto deegaannada Jubbaland. Arrintani waxay ka dhigan tahay in howlaha hay’adaha caalamiga ahi ay u mari doonaan hannaan ay hoggaaminayso Dowladda Jubbaland, iyadoo mudnaanta la siinayo Qorshaha Horumarinta Jubbaland, kaasi oo ka tarjumaya baahiyaha bulshada ee maamulka ka jira.
Ku-xigeenka wakiilka Hay’ada WFP ee Soomaaliya, Marco Selva, ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka miro-dhalka ah ee uu la yeeshay Masuuliiyiinta Jubbaaland, isagoo sheegay in labada dhinac ay si wada-jir ah uga shaqayn doonaan barnaamijyada horumarineed.
Ugu dambayn, Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, ayaa sharaxay Ahmiyada uu Kulanka u leeyahay Dowlada iyo bulshada Jubabaland isagoo xusay in uu ahaa kulan iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh.