Ciidanka Booliska Dhoobley oo furey Tababar Ku Saabsan Anshaxa iyo Baratakoolka Shaqada

0
20
Magaalada Dhoobley oo laga daah-furay Tababar laba maalmood soconaya oo loo qorsheeyay ciidamada Booliska degmada.
Tababarkan oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen xafika UNTMIS iyo Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Jubada Hoose ayaa diiradda saaraya barashada xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta Anshaxa iyo Baratakoolka shaqada Booliska.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Saldhigga Booliska Dhoobley, Gaashaanle Maxamed Cabdi Omar, iyo Hagaanka Qorshaha iyo Tababarada Booliska Dowlada Jubbaland, ahna Afhayeenka Booliska Jubbaland, Dhamme Shugri Faarah.
Booliska Degmada Dhoobley ayaa muddooyinkan dambe si joogto ah u qaadanayay tababaro lagu xoojinayo aqoonta, xirfadda iyo hufnaanta shaqo ee ciidamada ka hawlgala saldhigga Dhoobley, si loo xakameeyo Tacadiyada iyo Dambiyada waaween.