Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Doolow ku Qabtay Tababar Lagu Xoojinayo Hoggaaminta iyo Wada-hadalka Bulshada

0
25
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo ku qabatay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayay Xirfadaha Hoggaamineed ee Ka-Qaybgalka nidaamka dowlad-wanaaga iyo Hannaanka Wada-hadalka loo dhan yahay.
Tababarkan oo socday muddo labo(2) maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Doolow, oo ay ka mid yihiin Odayaasha dhaqanka,Haweenka iyo dhalinyarada oo ay kamid yihiin Ururrada bulshada rayidka, Maamulka degmada iyo wakiillo kale oo maxalli ah sida guddiga nabadeenta degmada.
Intii lagu guda jiray tababarka, ka-qaybgalayaasha waxaa lagu baray xirfado ay ka mid yihiin dhismaha hoggaanka bulshada, xal u helidda khilaafaadka, ka qayb-galka wada-hadalka loo dhan yahay iyo sida loo kobciyo kalsoonida bulshada si loo helo jawi wada-shaqeyn oo xasilooni iyo nabad ku dhisan.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland ayaa sheegay in Barnaamijkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka muhiimka ah sida Doolow.
Wasaaraddu waxay xustay in aqoon-kororsigan uu ka mid yahay mashruucyo isdaba-joog ah oo lagu horumarinayo hoggaaminta maxalliga ah, lana doonayo in bulshada lagu xoojiyo doorarka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo horumarinta deegaanadooda.