Safiirka Sweden iyo Guddoomiyaha Doolow oo Xariga Ka Jaray Xarun Cusub oo UN-ka Ka Dhistay Degmada Doolow

0
283
Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Xuseen Cabdi lafeey iyo Safiirka Sweden ee Somalia Hans Henric ayaa xariga ka jaray xarunta labaad UN ay ka dhisteen degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Xaflada xarig jarka ah waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay hay’addaha deeq-biyaasha caalamiga ah iyo kuwa caadiga ah ee ka qeyb qaato gar-gaarka.
Dhismahaan oo ka kooban kuw dhaawaad 50 guri oo iskugu jiro xafiisyo, guryo nasiino, garoon kubadda cagta ah, xarun jimicsi, masaajid iyo ceel biyood Waxaa dhismahooda ku baxay 5 Milyan dollar.
Xarunta ayaa ah tan labaad ee Koonfurta Soomaaliya ay ka dhiseen qaramada midoobey marka laga soo tago xerda Xalane ee Magalada Muqdisho.
Madaxdii ka soo qeybgashay furitaanka xaflada ayaa u mahadceliyay Dowladda Sweden oo qeyb balaaran ka qaadatay taagerida mashrucaan.
Guddomiyaha Dolow ayaa sharaxay muhiimada magaalada Dolow ay u leedahay gar-gaarka dadka tabaaleysan ee ka soo barakacay colaada iyo abaaraha, goob xaduud ah oo dalalka deriska ahna u ah muhiim, Isagoo ku amaanay cid kasto ka qeyb qaadatay xasiloonida degaanka, sababaha hormarka keenay ay tahay hanaanka maamul ee degaanka ka jiro.