Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland oo Kismaayo ka furtay tababar lagu xoojinayo badqabka iyo xirfadda saxafiyiinta

0
243

Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka furtay tababar ku saabsan badqabka saxafiyiinta iyo sidii ay uga feejignaan lahaayeen khataraha soo wajaha inta ay ku jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Tababarkan oo loo qabtay 30 wariye oo ka kala socday warbaahinta madaxa-bannaan iyo kuwa dowladda Jubbaland ee ka howlgala magaalada Kismaayo, ayaa lagu talagalay in kor loogu qaado xirfada iyo bad-qabka wariyaha

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golayaasha Dowladda Jubbaland.