Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Kismaayo oo guddoomiyey kulanka isbuuc laha ah ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada

0
187

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Bare Salaad, ayaa guddoomiyey kulanka isbuuc laha ah ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyey arrimo la xiriira,Sugidda amniga degmada,Wada-shaqeynta joogtada ah ee bulshada iyo hay’adaha amniga iyo Xoojinta iskaashiga si loo hubiyo nabadgelyo iyo horumar waara.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la mideeyo dadaallada bulshada, booliska iyo maamulka degmada, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo lagu wajahayo arrimaha amniga iyo howlaha kale ee mudnaanta u leh bulshada.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku aaddan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka amni iyo mid bulsho, taas oo horseedi doonta wada shaqeyn hufan oo dhex marta hay’adaha amniga, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulammadan isbuuc laha ah waxay ka mid yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu dhisayo kalsooni, isla markaana lagu xoojinayo wada-tashiga bulshada iyo laamaha kala duwan ee dowladda hoose ee degmada Kismaayo.