Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid, Florentino Perez ayaa shir gaar ah la yeeshay tababare Julen Lopetegui kaddib guul-darradii shalay kasoo gaadhay ciyaartii Bernabeu ay ku martigeliyeen Levante.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in markii ay ciyaartu dhamaatay uu kulan la yeeshay kabtanka kooxda Sergio Ramos oo ay isla soo qaadeen dhibaatada jirta, ka hor intii aanu albaabka u xidhanin tababare Lopetegui oo uu ugu tegay qolka lebbiska
Lama sheegin waxa kasoo baxay kulanka iyo wixii uu Perez u sheegay tababaraha cadaadisku saaran yahay, hase yeeshee sida warbaahinta Spain ku warrantay, Julen Lopetegui ayaa ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo in ay weli rajo u laaban tahay.
Lopetegui ayaa laga dareemayay in shirka loogu sheegay inuu sii ahaanayo tababaraha Real Madrid ugu yaraan mulamada soo socda, hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in madaxweynuhu aanu u ballan-qaadin inuu sii ahaanayo tababaraha balse la siiyey dareen uu ku joogayo kulamo kooban oo kaliya.
Warku waxa uu intaa ku daray in Perez uu ka fikirayo tababarihii beddeli lahaa Lopetegui oo uu kala xulanayo liis aan badnayn oo tababareyaal ah, kuwaas oo midkood si degdeg ah loogu dhowaaqi doono haddii Los Blancos ay guul-darraysato labada ciyaarood ee Champions League iyo Clasico