Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubbaland oo maalinkii afaraad wacyi galin ka wada deegaanka Buula-Xaaji

0
284
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland oo kaashanaysa mashruuca ERI ee Hay’adda IOM ayaa qabatay tababar awood-dhis ah oo loo sameeyey 40 imaam oo deegaanka ah, si loo xoojiyo ka hortagga fikirka xagjirka ah iyadoo la adeegsanayo macluumaadka diinta Islaamka ee nabadda ku dhisan.
Tababarku waxa uu diiradda saaray fahamka saxda ah ee diinta iyo sida loola tacaalo fikradaha khaldan ee lagu faafiyo bulshada dhexdeeda. Waxaa sidoo kale la dhisay guddi diimeed maxalli ah oo ka kooban 7 xubnood (5 rag ah iyo 2 dumar ah), kuwaasoo ka shaqeyn doona is-dhexgalka bulshada iyo kor u qaadista wada noolaanshaha diimeed.
Kulanka ayaa lagu qaybiyey agab waxbarasho oo ku saabsan fahamka nabadeed ee diinta, si ay imaamyadu ugu adeegaan dadka ay hoggaamiyaan. Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada xasilinta iyo dib-u-dhiska bulshada ee ka socda Bula-Haji, oo dhawaan laga xoreeyey khawaarijta.