Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka jubbaland iyo Danab ay ka gaareen Dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta

26

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada Dowladda Jubaland iyo Kumaandooska Danab ka gaareen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaariijta, isagoo xusay in howlgalka wadajirka ah ee ka dhacay deegaanka ka tirsan gobolka Jubbada Hoose uu ahaa mid guul weyn laga gaaray.

Howlgalkaasi oo ay fuliyeen ciidamada geesiyaasha ah ee Jubaland iyo Danab, ayna ka taageereen saaxiibada caalamiga ah, ayaa jab weyn lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka Khawaarijta.

“Waxaan si buuxda u bogaadinayaa howlgalka wadajirka ah ee ay maalmahan ka wadeen deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, Ciidamada Dowladda Jubaland, Kumaandooska Danab, iyo saaxiibada caalamiga ah ee naga taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kaasoo si weyn loogu naafeeyay kooxaha Khawaariijta ah.

Howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Maqooqaha, oo qiyaastii 13km u jira deegaanka Buulo Xaaji, ayaa lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaariijta. Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa kusoo furtay hub kala duwan, waxayna burburiyeen saddex gaari oo qaraxyo siday.

Ciidamada wadajirka ah ee Jubaland iyo Kumaandooska Danab ayaa dhiiggooda u huraya sugidda nabadda iyo badbaadinta shacabka. Waxay si geesinimo leh uga shaqeynayaan sidii deegaanka looga cirib tiri lahaa Khawaariijta, loogana dhigi lahaa meel ka caagan argagixisada.

Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda ay gaari doonaan guulo hor leh oo mira-dhal ah, kuwaasoo xoojin doona dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Jubaland”