Ciidamada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo Jab Culus Gaarsiiyay Khawaarijta gobolka Jubbada Hoose

32

Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Jubbaland oo garab ka helaya Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo seddex maalmood ah ka fuliyay howlgallo qorsheysan deegaanka Maqooqaha iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray saldhigyada iyo gododka Khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayeen, ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogayaal muhiim ah iyo ajaaniib ka tirsan kooxda Khawaarijta.

Ciidamadu waxa ay sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo faro badan, iyaga oo gebi ahaanba burburiyay xarumo iyo godod ay cadowgu ku dhuumanayeen.

Intii uu howlgalka socday, waxaa sidoo kale la fashiliyey gaari ay Khawaarijtu ka buuxiyeen walxaha qarxa oo lagu diyaariyay in lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed. Gaarigaas ayaa si farsamaysan loo burburiyay, taasoo keentay in laga hortago khasaare shacabka soo gaara.

Sidoo kale, saaxiibada taageera Ciidanka dowladda Jubbaland dhanka cirka ayaa door muhiim ah ka qaatay guusha howlgalka, iyagoo duqeeymo sax ah la beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo cadowgu lahaa.

Howlgalka ayaa ah mid guul weyn laga gaaray, waxaana uu dhabar-jab culus ku yahay Khawaarijta ku dhuumaaleysanaya gobolka Jubbada Hoose.