
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, caasimadda Puntland.
Markii uu gaaray garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Madaxweynaha Jubbaland waxaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyay booqashada Madaxweynaha Jubbaland, isaga oo xusay in kulamada noocan ahi ay muhiim u yihiin wadajirka iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa isna uga mahadceliyay Madaxweyne Deni iyo shacabka Puntland soo dhoweynta diirran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.
Munaasabadda soo dhoweynta kadib, Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay goobta martigelinta rasmiga ah ee Garoowe, halkaas oo kulamo gaar ah ay ka billaaban doonaan maalmaha soo socda




