
Ciidamada Ammaanka Dowladda Jubbaland ee magaalada Kismayo ayaa fashiliyey walxaha qarxa oo kooxaha Khawaarijta ay ku aaseen wado ka mid ah wadooyinka Xaafadda Kismayo.
Qaraxyada iyo hubka ayaa lagu aasay tunbooyinka biyaha dhexdiisa, waxaana Ciidanka Ammaanka Dowladda Jubbaland oo helay xogta iyo dhagarta shacabka ay kooxda Khawaarijta u gaysan rabtay, si nabad ah uga soo saareen walxahaasi, iyaga oo aan wax dhibaato ah geysan.
Ciidamada Ammaanka ayaa durbadiiba bilaabay baaritaanada la xiriira arrintan.
Tani waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee Ciidanka Dowladda Jubbaland ay ku xaqiijinayaan amniga magaalada Kismayo.