
Wasaradda Haweenka Arimaha qoys iyo Xaquuqul Insaanka Dowlada Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan balaaran oo loogga hadlayey Doorka Haweenka ee ka qayb qaadashada iyo sare u qaadida Arimaha Amniga iyo hogaaminta bulshada.
Kulanka oo ay shir Guddomisay Agaasiamaha guud ee Wasaaradda haweenaka Arimaha qoys iyo Xaquuqul Insaanka Dowlada Jubbaland Miski Yuusuf Cali iyadoona kulanka ay ka soo qeeb galeen Agaasimayaasha wasaaradaha kala-duwan ee Dowlada Jubbaland Ururada Haweenka Gobolka iyo Degmada iyo Marti Sharaf Kale.
Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaraddaha oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay Howsha baaxada leh ee ay wasaaradda Haweenka Bulshada u heyso.
Agaasimaha guud ee Marwo Miski Yuusuf Cali ayaa faahfaahin ka bixisay Hadafyada looga golleeyahay Barnaamijkan iyo sida waxtar sare ugu leeyahay bulshada.