
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubadda Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor, iyo Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Caariif Hirre Salaad, ayaa tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah oo si gaar ah loo diyaariyey.
Tababarkan, oo ay Dowladda Jubaland kataageerayeen Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) iyo Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la kobciyo xirfadaha gaarka ah ee ciidanka Booliska si ay uga jawaabaan baahiyaha amniga ee Gobolka.
Ciidamadan cusub ee tababarka dhammeystay ayaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan Booliska Gobolka Jubadda Hoose, iyagoo si gaar ah uga shaqeyn doona hawlgallada amniga iyo xaqiijinta nabadda ee Gobolka. Tani waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hay’adaha ammaanka ee Jubaland.