
Shirka isbuuc-laha ah ee isku xirka Booliska iyo bulshada ayaa ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Kismaayo.
Kulankan oo diiradda lagu saaray sugidda Amniga xaafadaha Magaalada Kismaayo iyo dib u eegista waxyaabihii qabsoomay isbuucyadii la soo dhaafay ayaa waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dawladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi.
Intii uu socday kulanka, waxa si qoto dheer looga hadlay qorshayaasha lagu xoojinayo wada-shaqeynta Booliska iyo bulshada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka magaalada. Sidoo kale, mas’uuliyiinta ka qayb-galay kulanka ayaa isla meel dhigay talooyin muhiim ah oo ku saabsan amniga xaafadaha.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka Degmada Kismaayo uu ku hormarinayo Nabadgelyada iyo adeegyada bulshada.






