Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dowladda Jubbaland oo bulshada Afmadow uqabatey abaabulka kor-u-qaadista la-dagaallanka Xadgudubka jinsiga

26

Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dowladda Jubbaland ayaa magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ku qabatay aqoon is-waydaarsi ku saabsan ka-qaybgalka bulshada iyo abaabulka kor-u-qaadista la-dagaallanka Xadgudubka jinsiga.

Aqoon is-waydaarsigan ayaa waxaa ka soo qayb galay Hayadaha cafimadaka ee dagmada ka hawlgala Ururada Haweenka, dhallinyarada iyo bulshada rayidka qaybahooda kala duwan.

Siminaarkan oo socday mudo saddex malmood ah ayaa lagu baranayay barnaamijyada ka-qaybgalka, wadahadalka bulshada, iyo kooxaha abuurista si loo helo dareen lahaansho oo mas’uuliyadeed, islamarkaasina kor loogu qaado wacyiga bulshada. Haddaba qaar kamida dadki ka faa’idaystay ayaa xusay ahmiyada uu u leyahay siminaarkan.