Guddoomiyaha Degmada Kismaayo oo Guddoomiyey Shirka Isbuuclaha ee isku Xirka Booliska iyo Bulshada”

20
Shirka Isbuuclaha ee isku xirka Booliska iyo bulshada ayaa maanta oo Arbaco ah ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Kismaayo.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa guddoomiyey kulanka, waxaana looga hadlay sugidda amniga xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo.