Madaxweynaha Dowalada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Kormeeray qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda

87

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa  kormeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda, isagoo u kuurgalaya habsami u socodka shaqooyinka Wasaaraddaha.

Madaxweynaha ayaa kormeerka ku tagay Wasaaraddaha Kala ah Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka, Biyaha iyo Tamarta, Xanaanada Xoolaha, Howlaha Guud,Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Beeraha iyo Waraabka, Badroolka iyo Macdanta.

Intii uu kormeerka socday, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay howlwadeennada Wasaaraddaha inay dadaalkooda laba jibaaraan, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.