Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ay weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Doolow ayaa kulan Muhiim ah la qaatay Wefdi Caalami ah oo ka kala socday Hay’adda IOM iyo IGAD team.
Kulankaan oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayaa looga wada hadlay arimo la xariira gargaarka bini’aadanimo, hormarinta Bulshada iyo isku socodka Bulshooyinka ku nool Xuduudaha wadankeena uu laleeyahay dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Masuuliyiinta uu shirka la qaatay kala hadlay sida ay mar walbo muhiim u tahay in la fududeeyo isku socodka Bulshada taas oo Horseed ay u tahay is-dhexgalka Bulshooyinka ku nool Xuduudaha.
Masuuliyiinta ka socday Hay’adda IOM iyo Howlwadeeno ka tirsan IGAD ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta wax walbo oo fududeynaya hormarinta Bulshooyinka ku nool Xuduudaha iyo sida ay isku dhaafsan lahayeen Ganacsiyada, iskaashiga oo muhiim u ah is-dhexgalka Bulshada iyo ka shaqeynta sidii loo gaarsiin lahaa dadka loogu talagalay Gargaarka Bini’aadanimo ee beesha caalamka ku kaabto Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa tabaaleysan.