Tartanka Ciyaaraha Iskuulada Degmada Kismaayo iyo Deegaanada hoos-yimaada oo habsami leh oga socda garoonka kubadda cagta Waamo

24
Tartanka Ciyaaraha Iskuulada Degmada Kismaayo iyo Deegaanada hoos-yimaada ayaa si habsami leh uga socda garoonka kubadda cagta Waamo, halkaas oo Shalay galab ay ku wada dheeleen Ciyaar xiiso badan kooxaha Iskuulada Fanoole iyo Aqoon-bile.
Kulankaan ayaa ahaa mid aad u soo jiitay indhaha Masuuliyiinta oo ay ka mid yihiin Bahda xiriirka kubadda cagta Jubbaland iyo Teegeerayaasha joogay Garoonka, Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar xirfad sare leh, iyadoo taageerayaasha labada dhinac ay si joogto ah ugu dhiirrigelinayeen kooxahooda.
Markii ay soo idlaatay ciyaarta, ayaa waxa ay guushu raacday iskuulka Aqoon-bile oo 2-1 kaga adkaaday dhiggooda Fanoole, Guushan ayaa si weyn ugu farxad gelisay taageerayaasha iskuulka Aqoon-bile oo garoonka ku dabaal-degay.
Kadib guusha, maamulka iyo ciyaartooyda iskuulka Aqoon-bile ayaa la hadlay warbaahinta Jubbaland TV, iyaga oo muujiyay dareen farxad leh, Waxay sheegeen in guushan ay u tahay mid muhiim ah oo u taariikhi ah iskuulkooda, isla markaana ay u arkaan dhiirrigelin ay kula tartamaan kooxaha kale ee ka qayb qaadanaya tartanka.
Tartanka ciyaaraha iskuulada Degmada Kismaayo iyo deegaanada Hoos-yimaada ayaa wali si xiiso leh u socdo, iyadoo kulamo kale oo xiiso badan la filayo inay ka dhacaan garoonka Waamo maalmaha soo socda, Taageerayaasha isboortiga ayaa weli sii wada taageerada iyo xiisaha ay u qabaan tartankan.