Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubbaland oo ceelbiyood ka hergalisay xero barakac Doolow

36

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dawladda Jubaland, maamulka Degmada Doolow, iyo hay’adda UNICEF ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray ceelbiyood cusub oo laga hirgeliyay xeerada barakaca Ladan ee Degmada Doolow.

Mashruucan muhiimka ah ayaa lagu xallinayaa dhibaatooyinkii biyo yaraanta ee muddada dheer ka jiray xeerada barakaca, waxaana ceelbiyoodkan loo rakibay nidaam waraabin casri ah oo ku shaqeeya tamarta cadceedda (Solar Energy). Mashruucan ayaa si weyn uga faa’iideynaya bulshada barakacayaasha, iyada oo gacan ka geysanaya kor u qaadista noloshooda iyo horumarinta adeegyadooda asaasiga ah.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socda Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, madaxa arrimaha bulshada Doolow, madaxa mashaariicda iyo xiriirka hay’adaha Doolow, iyo Masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.

Ceelbiyoodkan cusub ayaa lagu tilmaamay mid horseed u noqon doona horumar waara iyo badbaadinta bulshada ku nool xeerada barakaca Ladan.