Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Dhageysatay Kiiska Maxamed Daahir Ibraahim (Carab) oo loo haysto inuu xubin ka yahay kooxaha Khawaarijta

39
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta dhageysatay kiis uu eedeysane ka yahay Maxamed Daahir Ibraahim, oo ku magac dheer (Carab), kaas oo loo haysto in uu xubin ka yahay kooxaha Khawaarijta.
Fadhiga maxkamadda waxaa furay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, oo faahfaahiyay nooca kiiska maxkamaddu maanta u fadhiisatay.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa maxkamadda horteeda ka aqriyay eeda ay ku eedeynayaan Maxamed Daahir Ibraahim (Carab).
Intaas kaddib, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa su’aalo ka weydiiyay eedeysanaha arrimaha lagu soo eedeeyay oo ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo xiray fadhiga, isaga oo sheegay in maxkamaddu mar kale fadhi ka yeelan doonto kiiska eedeysanaha loona guda galo Fadhiyada kale si Maxkamada ay go’aan oga soo saarto kiiskaan.