Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa si rasmi ah udaah-furay tartanka ciyaaraha iskuulaadka degmada Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada, kaas oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Waamo.
Munaasabadda furitaanka tartanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland, iyo xubno ka socda bahda ciyaaraha ee Jubbaland.
Ciyaarta furitaanka oo dhexmartay kooxaha matalayay iskuulaadka Ganaane iyo Horyaal ayaa noqotay mid aad u xiiso badan, iyadoo guushu ay ku raacday kooxda iskuulka Ganaane oo ku adkaatay 6-1.
Tartankan ayaa ah mid lagu dhiirrigelinayo isdhexgalka dhalinyarada, lagu kobcinayo xirfadaha ciyaaraha, isla markaana lagu horumarinayo xiriirka bulshada ee iskuulaadka Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran.