Magaalada Kismaayo oo lagu soo bandhigey buug dhiiri galinaya hablaha soomaaliyeed .

27
Magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ah Dawladda Jubbaland, ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay, taas oo lagu soo bandhigay buugga “Waxaad Tahay Boqorad” ee ay qortay qoraa Caasha Sheekh Jaamac.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dawladda Jubaland, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Kismaayo, Afhayeenka Salaadiinta Jubaland, Aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale.
Qoraaga buugga, Caasha Sheekh Jaamac, ayaa sharaxaad kooban ka bixisay ujeedada buuggeeda, waxayna sheegtay in buuggan uu yahay mid ay ugu talagashay in hablaha Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo, si ay u fahmaan awoodda iyo qiimaha ay ku leeyihiin bulshada.
Masuuliyiintii iyo marti sharaftii ka qayb gashay munaasabadda ayaa ku ammaanay dadaalka iyo waqtiga ay gelisay qoraaga. Waxay sidoo kale ku dhiirrigeliyeen hal-abuurka iyo dhaqanka wax-qorista, iyagoo xusay in buugga noocan oo kale ah uu muhiim u yahay kobcinta aqoonta iyo wacyiga bulshada.