Wafdi Ka Socda Dowladda Jubbaland oo Gaarey Doolow

34

Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa garoonka Degmada Doolow ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Jubaland oo maanta halkaas gaaray.
Wafdigaan, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Maaliyadda iyo masuuliyiin kale, ayaa ka baxay magaalada Kismaayo.

Waxaa garoonka Doolow wafdiga ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee dowladda Jubaland, Guddoomiyaha Degmada Doolow, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedada socdaalka wafdigaan ayaa ah inay xoojiyaan hawlaha ay wadaan masuuliyiinta hore uga sugnaa degmada Doolow, kuwaas oo ku howlan sugidda amniga iyo horumarinta deegaannada gobolka Gedo.

Safarka waftigan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii iyo isu-socodkii dadka rayidka ah ee degmada Doolow, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada deegaanka.