Taliska Ciidamada Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo, halkaas oo haweeney ay ninkeeda cabitaan sun ugu dartay, taas oo keentay in uu geeriyoodo.
Afhayeenka Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhame Shukri Faarax Ducaale, ayaa sheegay in falkaasi uu ka dhacay deegaanka, isagoo cadeeyay in ninka uu ugu dambeyntii u geeriyooday cabsida sunta uu isticmaalay.
Dhame Shukri Faarax Ducaale ayaa sidoo kale xusay in booliska ay gacanta ku hayaan eedaysanaha falkaas, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay ku horkeeno cadaaladda.
Boolisku waxa ay sheegeen inay si degdeg ah u bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo la rajeynayo in arrintaas lagu helo xalka sharci ee ku habboon.