Waxgaradka iyo ganacsatada degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan garoonka diyaaradaha ee magaalada Dooloow, kaasoo muddo dheer xirnaa sababo la xiriira xiisad siyaasadeed oo dhex taagan kooxda Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda Jubbaland.
Xirnaanshahan garoonka ayaa sababay dhibaatooyin soo gaaray bulshada, kuwaasoo ay ka mid yihiin dad bukaan ah oo caafimaad loogu waday Muqdisho, balse hadda ku xayiran Dooloow.
Xayiraadda garoonka ayaa sidoo kale sababtay in dadka deegaanka iyo ganacsatada ay dhibaatooyin badan kala kulmaan, waxaana xirnaanshuhu caqabad ku yahay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka dadka.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dooloow ayaa muddo ka badan labo isbuuc si rasmi ah u xirnaa, iyadoo xiritaanka uu la xiriirto xiisad siyaasadeed oo ka dhex taagan kooxda Xasan Sheekh iyo dowladda Jubbaland.
Dhawaan, in ka badan 80 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa cambaareeyay xayiraadda duulimaadka rayidka ah ee ka jira deegaanada maamulka Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa inay ku lug leeyihiin arrintan.
Sidoo kale, Xildhibaanadu waxay digniin adag u direen Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Rayidka, oo ay ku eedeeyeen inay siyaasadda u dhexaysa Jubbaland iyo dowladda Federaalka ku milmeen.