Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, Gen. Ismaaciil Saxardiid, oo Soo Xiray Tababar Ciidamo ka Tirsan Guutada Abris ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland

44

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubaland, General Ismaaciil Saxardiid, ayaa si rasmi ah ugu soo xiray iskoolka tababarka ciidamada ee Luglaw, tababar uu socday mudo, oo ay qaateen urur kamid ah Guutada Abris ee Ciidanka Daraawiishta dowladda Jubaland.
Ciidamadan ayaa si xirfad leh loogu diyaariyey inay ka qeyb qaataan hawlgallada muhiimka ah ee ka socda goobaha hore ee dagaalka, halkaas oo ay ku wajahaan cadawga si ay u xoreeyaan dhulka Jubaland, una hubiyaan nabad iyo xasilooni guud ahan dowladda jubbalnd

Tababarkan oo socday muddo dhawr toddobaad ah, ayaa waxa uu ahaa mid si qoto dheer loogu diyaariyey dhamaan dhinacyada muhiimka u ah hawlgallada ciidamada, sida tababarada dagaalka, qorsheynta istaraatiijiyada, iyo horumarinta xirfadaha
Ciidanka ayaa si hufan uga qeyb qaadan doona xoreynta iyo difaaca dhulka Jubaland gaar ahaan kuwa isku dayaya inay khalkhal galiyaan amniga iyo xasiloonida.
Ciidankani, oo ka tirsan Guutada Abris ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland, ayaa noqon doona qeyb muhiim ah oo ka mid ah ciidanka la dagaallamaya cadawga, isla markaana u huraya naf iyo maal si shacabka Jubaland ay ugu noolaadaan nolol nabadeed oo xasilloon.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin halyeeyo u taagan difaaca qaranimada, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan sidii loogu xaqiijin lahaa nabad waarta shacabka Jubaland.