Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Jubbaland mudane Axmed Xuseen baraki (Zubeer) ayaa xariga ka jaray mashruuca biyo galinta Deegaanka Luglow kaas oo socday muddo sagaal bilood ah.
Xarig jarka mashruucan ayaa waxa Wasiirka ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Ismaaciil Garas, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Mudane Cabdulaahi Dubad Shiil, iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Dowlada Jubbaland Maxamed Nuunow.