Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Dhagax-dhiggay dhismayaal cusub oo lagu kordhin doono Garoonka Kismaayo.

94
Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa Dhagax-dhiggay dhismaha xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo dib u habayn iyo balaadhin lagu samaynayo.
Iyadoo ay qeyb ka tahay kordhinta dakhliga iyo kaabayaasha kale ee garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayuu Madaxweynahu ku bogaadiyay Wasaaradaha sida wadajirka ah uga shaqaynaya howshan dadaalka ay ku bixinayaan dhismaha xarumahan muhiimka u ah adeegyada kala duwan ee garoonka.
Dhagax dhiga Xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliydda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Cabdulaahi Dubad Shiil iyo howlwadeenno kala duwan.