Gudoomiyaha degmada Luuq oo Kulan looga hadlayay sidii Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Degmada ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka

81
Kulan looga hadlayay sidii Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Degmada Luuq ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen shaqaaqooyinkii ka dhacay Degmadaasi kuwaas oo ku barakacay Deegaana kala duwan oo ay kamid yihiin sida Yurkud , Haanooy, Ceelboon , Xero koobaad, Dooryaaley iyo sido kale gudaha magaalada halkaasi oo ay kubarakaceen qoysas dan yar.
Gudoomiyaha degmada Luuq Daahir Muhumed Nuur oo shir gudoominayay kulanka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha samafalka shaqooyiinka ay kahayaan deegaanka isagoona ugu baaqay in si isku mid ah loogu gurmado dadka cidkasta oo markaasi caawin kartana ay gar gaar bini’aadanimo u fidiyaan.
Kadib markii uu soo idlaaday shirka ayaa waxaa warbaahinta lahadlay isku duwaha Wasaaarada Gargaarka Maaraynta Musiibooyiinka Dowlad Goboledka Jubbaland ee Gobolka Gedo Mohamed Cabdi isagoo ka warbixiyay wax yaabihii looga wada hadlay shirka.