Guddoomiye kuxigeenka Golaha Deegaanka dagmada Afmadow oo kulan is-xog waraysi ah iyo isla-xisaabtan ah la yeeshay hay’adaha maxalliga

67
Guddoomiye kuxigeenka Golaha Deegaanka dagmada Afmadow ahna ku simaha duqa magaalada Dalmar Caagane Shafat oo uu weheliyo xoghayaha dagmada Afmadow Xalane Maxamed Bashiir ayaa kulan is-xog waraysi ah iyo isla-xisaabtan ah la yeeshay hay’adaha maxalliga iyo kuwa gaarka loo leyahay ee ka howlgala dagmada Afmadow.
Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay xubnaha dowladda hoose, isku duwayaasha Wasaaradaha Jubbaland, madax xafiiseedyada hay’adaha dowladda, hay’adaha ganacsiga iyo masuuliyiin kale.
Ugu horrayn guddoomiyaha ayaa warbixinno kala duwan ka dhagaystay masuuliyiinti ka soo qayb galay kulanka, waxaana inta badan diiradda lagu saarayay muhiimadda isku-xirka hay’adaha maxalliga, iyo maamulka dowladda hoose ee degmada Afmadow.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa xoojinta dhinacyada wada shaqaynta bulshada iyo hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay.