Saraakiil ka tirsan Booliska Degmada Dhoobley oo loosoo xirey tababar aqoon kororsi ah .

67

Waxaa si rasmi ah loogu soo xiray Booliska Jubbaland ee Degmada Dhoobley tababar muddo 12 maalmood ah socday oo ku saabsanaa maamulka saldhigyada booliska, si kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadahooda.

Tababarka ayaa geesta kale diiradda lagu saarayay tahriibinta iyo isu socodka sharci darada ah iyo sidoo kale isdhexgalka iyo badqabka shacabka.

Dhoobley oo ah degmo ku taalla meel u dhow xadka kenya, ayaa ah marin lasii mariyo dadka la tahriibinayo, ama sida isxambaarka ah ladoonayo in dalal kale lagu geeyo inta lacago laga qaato.

Booliska Dowladda Jubaland ayaa wada howgalo looga hortagayo kooxaha wax tahriibay iyo dadka tahriibka ah.