Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland oo tababar ku saabsan wadahadalka aan xanafta lahayn ufurey qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee laamaha cadaaladda Jubbaland

105
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland, Garyaqaan Sheekh Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid, oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Cabdiwali Xuseen Jaamac, Agaasimaha Wasaaradda Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan (Qaanuuni), Taliyaha waaxda danbi-baarista gobolka Jubbada hoose Cumar Xujaale Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta degmada Kismaayo Maxamed Caaqib Xirsi ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furay tababar ku saabsan wadahadalka aan xanafta lahayn, oo loo qabtay bahda cadaaladda ee Jubbaland.
Tababarkan, oo socon doona muddo saddex cisho ah, ayaa waxaa ka faa’iideysanaya qaybaha kala duwan ee laamaha cadaaladda Jubbaland.
Ujeedka tababarkani ayaa ahaa in lagu barto xirfadaha wadahadalka nabdoon si loo xoojiyo habka ay ugu adeegaan bulshada, gaar ahaan marka ay la macaamilayaan kiisaska adag ee u baahan xallinta dhibaatooyinka si cadaalad iyo xasillooni leh.