Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo ka Tacsiyeeyay geerida ku timid Marwo Badraan Muxumed Cabdulle

87
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka Tacsiyeeyay Allaha unaxariisto geerida ku timid Marwo Badraan Muxumed Cabdulle.
Qoraal lagu daabacay Barta Facebook-ga ee Madaxweynaha ayaa lagu yiri “Waxaan geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marwo Badraan Muxumed Cabdulle ugu tacsiyaynayaa Dhammaan bulshadda Jubaland ehelkii, iyo qoyskii ay ka baxday. Allaha unaxariisto Marwo Badraan Muxumed Cabdulle.
Marxuumadda ayaa mudo dheer kasoo shaqaynaysa hormarinta adeeggyada bulshada iyadoo hormuud u ahayd mudo dheer haweenka Jubaland. Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumada jannadii Fardowso ka waraabiyo qoyskii ay baxday iyo bulshadda Jubaland uu samir iyo iimaan ka siiyo”.