Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dib u Heshiisiinta Iyo Arimaha Federaalka oo Kismaayo lagu qabtey

105
Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dib u Heshiisiinta Iyo Arimaha Federaalka oo ay muhiim tahay in si dhow u fahmaan bulshada Soomaaliyeed oo aynu ognahay in wax badan aysan ka fahamsaneen arimaha Federaalka iyo mudnaanta ay u leedahay dib u heshiisiinta bulshada.
Madasha ay dooddan ka dhaceysay waxaa goob jog ahaa Guddiga Arimaha Gudaha, dib- u Heshiisiinta, Arimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Gudaha, dib- u Heshiisiinta, Arimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn kulanka furtay.
Intii ay dooddan socotay waxaa si qoto dheer looga dooday islamarkaana ay bulshadii madasha joogtay su’aalo kala duwan ka weydiiyeen madaxda nooca dib u heshiisiineed iyo Federaal ee ay Soomaaliya u baahantahay .