
-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahaan howlo shaqo u jooga magalaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xarigga ka jaray suuq-weynaha xoolaha, kaasi oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay xarunta cusub ee Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, taasoo laga hir galin doono xarun casri ah ayna ku shaqeyn doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee maamulka Degmada Gaalkacyo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







