Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Jubbaland mudane Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland mudane Cabdiwaaxid Xuseen Jaamac iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland mudane Aadan Axmed Xaaji ayaa xafiiska Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland kulan kula yeeshay madax ka socotay Hay’adda IOM oo ka socotay mashruuca nabadeynta oo ay kawada shaqeyaan Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda Jubbaland.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Nuur Shaafi, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Amniga iyo Cadaaladda iyo masuuliyiin ka socday Hay’adda Equal Access International oo qeyb ka ah mashruuca nabadeynta.