qaar kamid ah Wasiirada Jubbaland iyo guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa boqol guri ka dhagax dhigay deegaanka Luglow

197
Wasiirada qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland iyo guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa boqol guri ka dhagax dhigay deegaanka Luglow oo dhaca waqooyiga magaalada Kismaayo.
Guryahan xalka waara ah ayaa loogu talagalay in dib u dajin loogu sameeyo dadka Barakacayaasha ah ee ay saameeyeen abaarihi iyo fatahaadihii is xigay ee deegaanka ku dhuftay.
Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Maxamed Ibraahim Oogle, Howlaha Guud Cabdiwahaab Axmed Ismaaciil, Waxbarashada Cabdinaasir Seeraar Maax, Caafimaadka Axmed Ismaaciil Garas iyo Guddoomiyaha Hay’adda JUCRI Cali Aadan Cali ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay guryaha xalka waara oo laga hirgalinayo dhul ay dowladda ku deeqday oo ku yaalla dalacadda Luglow.