Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta soo gunaanadday xukunna ka soo saartay kiisas burcadnimo ah.

176
Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee dowladda Jubbaland ayaa maanta soo gunaanadday xukunna ka soo saartay kiisas burcadnimo ah oo ay eedaysaneyaal ka yihiin; Xasan Daahir Aways, Aadan Cabdirisaaq Cali, Yaxye Maxamed Xuseen iyo Cabdiladiif Maxamed Muxumed.
Waxa xusid mudan in afarta nin ee ay maanta Maxkamadda Ciidamadu kiisaskooda go’aanka ka soo saartay ay isugu jiraan Askar iyo Askar u ekeyaal, Xasan Daahir Aways iyo Aadan Cabdirisaaq Cali labada shacabka ah ayaa lagu helay inay muwaadiniinta ku dhacayeen Bastoolad been abuur ah iyo gaadhi Alto ah, halka Yaxye Maxamed Xuseen iyo Cabdiladiif Maxamed Muxumed oo ka kala tirsan Ciidamada Daraawiishta iyo Nabadsugidda gaar ahaan Guutada Gurmad Garan ay iyaguna hubkii loogu tala galay inay shacabka ku difaacaan ay ku dhacayeen.